Aston Villa Vs Norwich

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Novermber, 2011, 02:28 GMT 05:28 SGA
Alex Mcleish, maamulaha kooxda Aston Villa

Kooxda Aston Villa waxay 3-2 kaga badisay kooxda Norwich.

Norwich oo ka mid ah kooxaha xilli cayaareedkan tartanka ku soo biiray ayaa muujisay dadaal iyo firfircooni balse uma suurtagalin in ay dhibic ka helaan cayaarta oo gabagabadii 3dii dhibcoodba waxaa la tagay kooxda Aston Villa oo gurigeeda magaalada Birmingham loogu tagay.

Goolka waxaa ku hormartay kooxda Norwich oo inkastoo ay marti ahayd daqiiqadii 25-aad gool ku hubsatay shabaqa kooxda Aston Villa, balse shan daqiiqo kadib-ba Aston Villa goolka way iska soo guday.

Isugu soo laabashadii cayaarta kadib nasashada ayaa sadex daqiiqo gudahood ay Aston Villa gool labaad ku dhalisay kooxda Norwich oo cayaartu noqotay 2-1 ay ku hogaaminayso Aston Villa, iyadoo dhowr iyo toban daqiiqo kadibna ay mid sadexaad dhaliyeen.

Norwich

Balse cayaarta oo dhowr iyo toban daqiiqo ka dhiman tahay ayaa Norwich ay mid ka mid ah goolasha lagu lahaa iska soo guday.

Hase yeeshee, waqtigaa ayaa ku dhacay oo Aston Villa ayaa 3-2 ku adkaatay.Labadan koox ayaa hadda dhinaca liiska kala horaynta isku xiga.

Aston Villa oo ku jirta booska 8-aad waxay leedahay 13 dhibcood, Norwich kooxda 9 ku jirta ah 13 ayay leedahay, kooxda Swansea oo ay ka wada yimaadeen tartamada hoose xilli cayaareedkan ay isku dhibco yihiin oo ku jirta booska ka hooseeya.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.