20 Agoosto, 2011, 11:25 GMT 14:25 SGA

Cayaaraha Sabtida ee England Premier League

Maanta, oo Sabti ah 20-ka bisha August, 2011; tartanka Premier League waxaa cayaaraya:

Cayaarta ugu horaysay waxay dhexmartay kooxaha Arsenal V Liverpool.

Kooxda Arsenal, ayaa looga adkaaday 0-2 oo Liverpool guushku raacday.

Arsenal waxay horay barbarro 0-0 la gashay kooxda Newcastle, cayaarteedii furitaanka.

Kooxda Liverpool-na, cayaarteeda hore 1-1 ayay Sunderland ku kala baxeen.

Waxaa kaloo cayaarta saacadaha hore dheelay kooxaha Sunderland 0-1 Newcastle, oo Arsenal iyo Liverpool ay horay ula soo cayaareen.

Cayaaraha kale ee maanta waxay dhexmarayaa Aston Villa 3-1 Blackburn oo BBC si toos ah uga faaloon doonto inta cayaartu socoto.

Waxaa kaloo isla waqtigaas cayaaraya kooxaha Everton iyo Queens Park Rangers, Swansea 0-0 Wigan.

Kooxaha Chelsea iyo West Brom-na waxaa dhexmaraysa cayaarta galinka dambe.

Waxaa cayaarahoodii furitaanka horay u badiyay kooxaha Bolton, Man City, Man United iyo Wolves.

Tottenham iyo Everton waxaa baaqday cayaarahoodii ugu horeeyay ee ay ku wada cayaari lahaayeen garoonka White Hart Lane ee kooxda Tottenham ee waqooyiga London.

Liverpool, Norwich, Sunderland, Wigan, Arsenal, Aston Villa, Chelsea, Fulham, Newcastle, iyo Stoke barbarro ayay galeen cayaarahoodii furitaanka.

Halka Kooxaha Blackburn West Brom, Queens Park Rangers iyo Swansea laga wada badiyay.

BBC navigation

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.