1 Janaayo, 2011, 12:05 GMT 15:05 SGA

Cayaaraha maanta dhacaya ee tartanka England Premier League

Cayaaro xiiso leh, ayaa maanta dhacay tartanka England Premiership.

Cayaarta ugu horaysa waxay dhexmaraysaa kooxaha West Brom iyo Man United, iyadoo bilaabanysa saacadda africada bari marka ay tahay 3:45 galabnimo, ama sagaal saac iyo shan iyo afartan daqiiqo.

Cayaaraha kale Liverpool waxay la cayaaraysaa Bolton. Cayaartan si toos ah ayay BBC Somali ugu soo tabinaysaa dhagaystayaasha.

Manchester City waxay la cayaaraysaa Blackpool, Stoke ayaa la kulmaysa Everton, Sunderland waxay is arkayaan Balckburn, Tottenham ayaa martigalinaysa Fulham, West Ham-na waxaa marti u ah kooxda Wolverhampton.

Dhamaan cayaaraha waxay dhacayaan saacadda Africada bari marka ay tahay 6-da maqribnimo.

Sideedda iyo barka fiidnimana waxaa cayaar kulul la filayaa in ay dhexmarto kooxaha Birmingham iyo Arsenal.

BBC navigation

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.