13 Novermber, 2010, 14:13 GMT 17:13 SGA

Manchester City V Birmingham


Manchester City waxay la cayaaraysaa Birmingham.

Tababaraha Man City Roberto Mancini wuxuu sheegay in uu wax ka badali doono qaabka kooxda uu ku bilaabi jiray cayaarta, iyadoo la filayo in dib loogu yeero Adam Johnson.

Waxaa wali kooxda ka maqnaanaya Mario balotelli, waxaase rajo qaba in la soo safo Emmauel Adebayor.

Waxaa kaloo ka dhaawacn Nimely, M Johnson.

Tababaraha Birmingham, Alex Mcleish ayaa waxaa dhici karta in liiska bilowga uu ku soo daro Keith Fahey.

David Murphy ayaa dib ugu laabtay tababarka kadib markii uu dhaawac ahaa, waxaana dhici karta in uu miiska badalka soo fariisto.

Kooxda Birimingham waxaa ka dhaawacn McFadden iyo m Taylor.

Manchester City lagama badin 10-kii cayaarood ee ugu dambaysay, halka kooxda Birmingham ay booska 17-aad ku jirto.

Birmingham guushii ugu saraysay ee guriga Manchester City kaga adkaato waxay ahayd 18-ka October 1980.

BBC navigation

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.