Masar iyo xaaladda ay ku jirto

  • 26 Maajo 2014
Dhawr doorasho ayaa soo martay Masar tan iyo intii la riday Xusni Mubaarak

Malaayiin qof ayaa u codaynaya doorashada madaxweyne cusub Masar. Waa doorashooyinkii ugu danbeeyay ee dhowr doorasho waddanka oo ku jira xasilooni daro siyaasadeed, dhaqaale iyo mid bulsho.

Tirada dadka

Masar waxaa ku nool in ka badan 86 qof oo milyan. Waa waddanka carbeed ee ugu dadka badan waana sii kordhaysaa. Intii u dhaxaysay 2010 iyo 2012 Masar ayaa diiwaan galisay kororkii ugu waynaa tirada dadka tan iyo markii la bilaabay diiwaan galinta.

Degenaansho la'aanyta siyaasada, shaqo la'aanta iy dhaqaalaha oo hoos u dhacaya, tirada dadka oo kordahaysa waxay ka sii daraysaa xaalada.

Masar ayaa waxaa haysta cunto yari, dadka sii kordhayana waxay ku faafayaan dhulkii beeraa si ahy guryo u helaan. Dadka intooda badan waa dhalinyaro - 60% Masar ayaa waxay ka yar yihiin 30 jir, iyadoo cadaadis sii saaraysa shaqooyinka aad u yar.

Dalxiiska Masar ayaa hoos u dhacay ammaan darro awgeed.

Dhaqaalaha

Saddex sano oo xasilooni la'aan jirtay ayaa dhaqaalaha Masar ayaa aad u xun. Wax soo saarka waddanka ayaa yaraaday, dalxiiska oo ahaa meesha dhaqaalaha ugu badan uu Masar ka soo galo ayaa yaraaday.

2013 waxaa jiray 9.5 milyan oo dalxiisayaal, iyadoo ah hoos u dhac ku yimid 14.7 milyan dalxiisayaal saddex sanno ka hor.

Maalgalinta shisheeye ayaa yaraatay, lacagta kaydka ee ee Masar ayaa hoos u dhacday, qiimaha lacagta Masarna waxay gaartay meeshii ugu danbaysay sanooyin, iyadoo wax soo dhoofinta ay qaali noqotay. Masar ayaa ah waddanka ugu wayn ee soodhoofista qamadiga.

Sicir bararka ayaa kordhaya, waddankana waxaa haysta cunto iyo shidaal yari, taasoo ah sababaha keena mucaarad.

Tirinta codbixinta

Kabista waxyaabaha darruuriga

Si loo caawiyo dadka saboolka ah dowladda waxay kabtaa rootiga iyo shidaalka, waxayna doonaysaa inay jarto lacagta ay ku kabto shidaalka 25-30% sanadaha soo socda.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hayadda cuntada adduunka in shan iyo toban boqolkiiba dadka Masaarida ay ku nool yihiin saboolnimo hoosaysa. Inta sicirka cuntada uu sii kordhayo waxay sii badinaysaa qatarta xasilooni darada.

Gargaarka caalamiga

Masar ayaa waxay heshay sanadkii gargaar milatari iyo mid dhaqaale oo ka immaada Maraykanka oo gaaraya $1.5 bilyan soddonkii sano ee ugu danbeeyay, taasoo qayb ka ah heshiiska nabada ee ay Masar kula jirto Israel. Masar ayaa ah dowladda labaad ee Maraykanka uu siiyo kaalmo caalami ah.

Markuu Maxamed Morsi xukunka qabsaday, Qadar, oo taageeraysay dowladda Akhwaan Muslimiinta ayaa u dirtay $3 bilyan, iyadoo ka xanaajisay dowladaha kale ee khaliijka oo ka soo horjeeday madaxweyne Akhwaan Muslimiin ah.

Arrintan ayaa cadaatay kadib markii Morsi xukunka laga riday, Sacuudiga, Isu Taga Imaaradka (UAE) iyo Kuwait ay u balanqaadeen ilaa $12 bilyan amaah iyo deeq.

Dowladda kumeel gaarka ee Masar ee cusbayd ayaa lacagtii $2 bilyan ee dollar u celisay Qadar iyadoo sheegtay heshiiska inaan la dhamaystirin.

Masar ayaa wali wadahadal kula jirta hayadda lacagta adduunka ee IMF, si ay u hesho $3 bilyan oo ammaah ah.

Shaqo la'aanta

2013, Shaqala'aanta Masar waxay gaartay13.4%. Dadka ugu badan ee shaqo la'aanta - 69% waxay yihiin dad da'dooda ay u dhaxayso 15 - 29. Dadka jaamacada ka qalanjabiyay ayaa shaqo la'aan badan ku dhacday gaar ahaan.

Tan iyo 2010, dadka shaqo la'aanta ayaa kordhay kororsiimo dhan 1.3 milyan, taasoo ka jawaabaysa dhaqaalaha hoos u dhacay iyo dadka ka yar soddon jirka oo kordhay.

Diiwaangalida rasmiga waxay sheegaysaa in 10% ragga iyo 25% dumarka ay shaqo la'aan yihiin.

Shaqo la'aanta dhalinyarada ayaa ugu wayn waxyaabaha horyaala madaxweynaha cusub.

Baarnaamijyo lagu taageeraayo dhaqaalaha oo ay caawinayaan dalalka Khaliijka ayaa loogu tala galay inay shaqooyin abuuraan.

Waxqorista

In ka yar 75% dadka waawayn ayaa wax qori kara - taasoo ah waxa lagu garto habka waxbarashada oo aan xooganayn. iskuul la'aan, qalab la'aan, manhaj aan fiicnayn, iyo heerka waxbarista macalimiinta oo hoosaysa macnaheedu wuxuu yahay inay u baahan tahay isbadal.

ilaa $2 bilyan ayaa lagu bixiyaa macalimiinta guryaha carruurta wax ku barta - oo u dhiganta ilaa 25% miisaaniyada waxbarashada ee dowlada.

Doorashooyinka

Tan iyo kacdoonkii 2011, Masar ayaa gashay lix doorasho - saddex goor oo la badalayo dastuurka, laba goor oo doorasho baarlamaan iyo mar la doortay madaxweyne Morsi. Codbixinada ayaa badnayd markii loo barbardhigo waqtigii Mubaarak markii dadka ay aaminsanaayeen in natiijada doorashada ay ahayd mid horay loo ogaa.

Ilaa 2012 doorashadii madaxweynenimada xisbiga Akhwaan Muslimiinta ee Xoriyada iyo Cadaalada ayaa ku guulaystay doorashooyinkii ka danbeeyay kacdoonka. Laakiin ku dhawaad kala bar dadka codeeyay ma aysan dooran Moxamed Morsi.