BBC navigation

Suaal iyo Jawaab Weerarka Westgate kadib

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 20 Oktoobar, 2013, 15:56 GMT 18:56 SGA

Ugu yaraan lixdan iyo toddobo qof ayaa la ogyahay inay ku dhinteen kadib markii ay weerareen xarunta dukaamada Westgate ee Nairobi 21 September. Ku dhawaad bil kadib suaalo badan ayaan jawaab lloo hayn.

Maxaa ka dhacaya hadda Westgate?

Toddobaadyo kadib ayaa waxaa la helay sadex mayd ayaa laga helay burburka.

Laba mayd ayaa loo maleeyaa inay yihiin kuwa weerarka soo qaaday.

Kooxo caalami ah ayaa wali qodaya burburka, iyagoo aruurinaya DNA, raadkii faraha iyo hub si loo baaro.

Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in lixdan iyo kow rayad ah iyo lix ka tirsan ciidamada ammaanka ay ku dhinteen weeraerka oo socday afar maalmood, iyadoo ay ku dhinteen tiro aan la ogayn dadkii weerarka soo qaaday.

Bisha Cas ayaa sheegtay in labaatan iyo saddex rayad ah ay maqan yihiin, laakiin dowladda ayaa sheegtay inay filanayaan inay helaan maydadka dadkii weerarka soo qaaday, iyo kuwa ciidamada ammaanka oo kaliya.

Lama oga in qaar ka mid ah mintidiinta ay fakadeen ama ay wada dhinteen.

Yaa ka danbeeyay weerarka?

Kooxda Alshabaab ee Alqacida ku xiran ayaa sheegtay inay qaaday weerarka iyagoo ka jawaabaya go'aanka ay Kenya ay ku gaysay ciidamo dalka Soomaaliya.

Waxaa jira warar is qilaafsan oo sheegaya inta qof ee weerarka soo qaaday iyo meelihii ay ka imaadeen.

Masuuliyiinta ayaa markii hore sheegay in weerarka ay soo qaadeen 10 ilaa 15 qof, laakiin kaamerada vidiyaha ee xarunta weerarka lagu qaaday ayaa muujinaysa afar qof oo kaliya.

Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay magacyada afar nin oo weerarka qaaday, iyagoo sheegay inay wada yihiin Afrikaan.

Laakiin barnaamishka BBC Newsnight baaritaan uu sameeyay ayaa sheegaya, in mid ka mid ah nimanka weerarka qaaday uu yahay Somali leh dhalasho Norway.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in su'aalaha dadka weerarka sameeyay looga jawaabi doono baaritaanka saynisyahanada.

Waxaa kaloo jira warar Jaraa'idyada uu qorayo in gabar British ah oo magaceeda la yiraahdo Samantha Lewthwaite, inay ku lug lahayd qorshaynta weerarka.

Waxaa la ogyahay in mintidiinta ka kala yimid meelo kala duwan ay ka dhinac dagaalamaayeen Alshabaab.

Wariyaha BBC ee arrimaha ammaanka Moses Rono, ayaa sheegay in aysan dhici karin in dad ajnabi ah ay weerarka soo qaadaan iyagoo aan gacan ka helin Alshabaab.

Inkastoo la jabiyay Alshabaab Soomaaliya gudaheeda, hadana mintidiinta waxay qatar ku yihiin gobolka, iyagoo noqday meel loo soo maro faafinta mintitnimada.

Muddo intee la' eg ayaa lagu qorsheeyay weerarka?

Ilaa ay soo baxaan natiijooyinka baaritaannada cilmiga ah suurta gal ma ahan in la ogaado heerka qorsheynta ee weerarka lagu diyaariyay.

BBC-da waxaa loo sheegay in dagaalyahannadu dukaan ka kireysteen xarunta Westgate kahor intii aanu weerarku dhicin.

Tani waxay u suurta gelisay inay isticmaalaan wiishashka dhismaha si ay hub iyo rasaas u soo dhigtaan, kuwaas oo ay u adeegsadeen inay dhaqso isu-hubeeyaan intii weerarku socday, ayna iska caabbiyaan ciidammada ammaanka.

Maxay waqti dheer u qaadatay in la soo afjaro haysashada dableyda ee xarunta?

Su'aashan waxaa si ballaaran lagaga dooday warbaahinta Kenya.

Wargeyska Daily Nation waxaa uu so xigtay madaxa mid ka mid ah qaybaha boliiska, oo sheegay inay gelbinayeen dadkii dukaammada wax ka iibsanayay oo meel ammaan ah ay geynayeen markii ay koox askar ahi rasaas ku soo fureen iyagoo u qaatay inay dagaalyahanno yihiin.

Jahawareerkii taas ka dhashay ayaa keenay inay kuwii weerarka soo qaaday dib isu-urursadaan, taas oo u suurta gelisay inay saddex maalmood oo kale meesha sii haystaan.
Laakiin sida cad waxay ahayd xaalad adag inay ciidanka ammaanku wax ka qabtaan.

Hawl galka waxaa hoggaaminayay ciidanka gaarka ah ee Kenya oo loo tababaray kahortagga argagixisada iyo xaaladaha afduubka. Laakiin tababarkoodii arrintan waxba kama tarin iyadoo ay ahayd markii ugu horreysay ee xaalad tan oo kale ah ay la kulmaan.

Ciidanku waxay aad u doonayeen inay khasaaraha yareeyaan waxaana laga cabsi qabay inay jiraan kuwa is-qarxinaya iyo inay haystaan waxyaabaha qarxa.

Toogasho ka soo dhacaysay gudaha dukaammada ayaa socotay ilaa laga soo afjarayay haysashada goobta.

Ma kala cadda inay xabbadaha ridayeen ciidammada ammaanku ama kuwa weerarka soo qaaday.

Ilo-wareed xagga ciidammada ammaanka oo aan la magacaabin waxay sheegeen in haysashada xarunta westgate ay dhammaatay markii ay ciidammadu qarxiyeen qayb ka mid ah xarunta, taas oo ku duntay kuwii wax soo weeraray.

Lama oga inay waqtigaas dad haysteen iyo in kale.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.