Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (3.3 Mb)

Sannad kadib miisaaniyada Soomaaliya

6 Oktoobar 2013 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 18:06 SGA 15:06 GMT

Raiisalwasaaraha Soomaaliya
Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon

Shirjaraaid oo Ra'iisalwasaaraha Soomaliya Cabdi Faarax Shirdoon, uu maanta ku qabtay Muqdisho ayuu wuxuu kaga hadlay dhowr arrimood oo ay kamid tahay miisaaniyada dowladda. Wuxuu sheegay sanadkii hore markii ay dowladda shaqadeeda bilowday in miisaaniyada dowladda ay ahayd laba milyan iyo bar oo dollar oo kaliya, sanad kadib miisaaniyada dowladda bishii ay ku tala gasho ayuu dhahay waa sagaal ilaa toban milyan oo dollar.

Lacagta miisaaniyada dowladda ayaa ka timaada dibadda iyo gudaha. Raiisalwasaaraha wuxuu sheegay in taageero dhinaca maaliyada ay caalamka ka helaan. Waddamada ay ka helaan taageero misaaniyadeed waxaa ka mid ah dowladda Turkiga, oo siisa Soomaaliya shan milyan oo dollar, iyo dowladda Norway oo gacan ka siisa dowladda habka maamulka lacagaha.