Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (3.2 Mb)

Waraysi Madaxweyne Xasan Sh Maxamud

21 Sebtembar 2013 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 20:59 SGA 17:59 GMT

Madaxwaynaha Soomaaliya, ayaa guddoomiye ka ahaa shirka New deal ee Soomaaliya oo Soomaaliya iyo midowga Europe ay wada qabteen. Soomaaliya muddo labaatan sano ka badan ayay ahayd wadan aan cagihiisa ku taagnayn. Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay ilaa 70 ergo oo ka kala socota caalamka iyo hayado.

Waxaa kulanka lagu ansixiyay qorshaha waxqabadka dowladda federaalka Soomaaliya inta laga gaarayo 2016 oo lagu wado in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho guud.

Gabagabadii shirka ayaa Soomaaliya waxaa loogu yaboobay 1.8 billion oo euro oo u dhiganta 2.4 billion oo doolar.

Weriyaha BBC Cabdiraxmaan Koronto, ayaa BBC uga soo waramayay shirka Brussels. Waxaa uu arrimaha shirka ka waraystay madaxwaynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.