Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (6.1 Mb)

Waraysi danjire Nicolas Kay

15 Sebtembar 2013 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 22:01 SGA 19:01 GMT

Magaaladda Brussels ayaa waxaa ka furmaya Berri shirkii ugu danbeeyay ee Soomaali loo qabto oo lagu ansixin doono heshiiska cusub ee Somaaliya oo ay soo gudbisay dowladda Somaaliya beesha caalamkuna kutaageereyso meel marintiisa iyo maal galintiisa. Waxaa shirka ka qeyb galaya dhamaan qeybaha daneeya Somaaliya oo ay ka mid yihiin Ururka Midowga Yurub, Qaramada midowbay iyo dalal badan uu ugu horeeyo dalkan Britain.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ee arrimaha Somaliya ambasador Nicholas Kay, Maxamed Cadde ayaa weydiiyay in uu sharaxo kulanka muhiimadda uu leeyahay.