BBC navigation

Nelson Mandela oo 95 sano jirsaday

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 19 Luulyo, 2013, 19:08 GMT 22:08 SGA
Mandela

Carruurta iskuullada Koonfur Afrika ayaa Mandela u qaaday heeso ay ugu rajaynayaan caafimaad.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela ayaa maanta jirsaday 95 sano.

Waxaa uu bishii labaad weli ku jiraa isbitaal ku yaalla magaalada Pretoria.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa sheegay in caafimaadka Nelson Mandela uu si tartiib tartiib ah u soo hagaagayo.

Mandela ayaa weli xaalad adag ugu jira Isbitaal iyadoo laga daweynayo caabuq dhanka sanbabada.

Maanta oo ah maalintii uu dhashay Mandela ayay Qaramada midoobay u aqoonsatay in lagu qaddariyo gacanta uu ka geystay dib u heshiisiinta.

Nelson Mandela ayaa hogaaminayay dadaalkii looga horimaadsanaa nidaamkii midib kala sooca ee dalka Koonfur Afrika, waxaana uu ku jiray xabsiga muddo 27 sano ah.

Xabsiga ayuu ka soo baxay Mandela, waxaana uu dalkaas ka noqday madaxweynihii ugu horreyay ee madow ah, waxaana uu dalka u horseeday dib u heshiisiin dhexmartay dadka kala midibka ah.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.