Dhoodaan oo geeriyooday

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Abriil, 2013, 17:27 GMT 20:27 SGA

Media Player

Dalka Itoobiya, waxaa ku geeriyooday abwaan Cabdulaahi Macalin Dhoodaan oo ahaa Gabyaa si weyn looga yaqaanay dhulka Soomalida.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Dhoodaan

Cabdulaahi Macalin Dhoodaan.

Dalka Itoobiya, waxaa ku geeriyooday abwaan Cabdulaahi Macalin Dhoodaan oo ahaa Gabyaa si weyn looga yaqaanay dhulka Soomalida.

Dhoodaan inta la xasuusan yahay waxuu tiriyay 38 gabay, oo 21 ka mid ah ay galeen diwaanka rasmiga ah ee gabayada Soomaalida.

Dhoodaan waxuu dhashay 1948-dii waxuuna ku dhashay Baliga Siroow ee degmada Daratoole ee goboloka Doollo ee dhulka Soomalida dalka Itoobiya.

Dhoodaan taariiqdiisa waxaa ka mid ah inuu lahaa luuq gooni ah, abwaanada qaarkoodna waxay ku tilmaameen inuu ahaa abwaan luuqada Soomaliga meel weyn ka gaaray.

Abwaan Dhoodaan berito ayaa lagu aasi doonaa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomalida ee Itoobiya.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.