Elman oo ku guulaysatay abaalmarin

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 Maarso, 2013, 20:51 GMT 23:51 SGA

Media Player

Fartuun Cabdisalaan Xaaji oo ah xaaskii uu ka geeriyooday Elman ayaa waxay ku guulaysatay toddobaadkan abaalmarinta Women of Courage oo sanad walba la bixiyo.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Fartuun Cabdisalaan  Xaaji

Fartuun Cabdisalaan Xaaji waxaa abaalmarinta gudoonsiiyay Michelle Obama iyo John Kerry.

Elman Cali Ahmed Wuxuu ahaa injineer koronto, wuxuu sameeyay shirkadii ugu horaysay ee koronto galisa wadooyinka magaalada Muqdisho markii ay dowladda dhacday. Wuxuu kaloo tababari jiray dhalinyaro badan oo qoryaha ka dhigay oo uu baray xirfadaha korontada, makaaniga baabuurta iyo wadida baabuurta si ay ugu shaqaystaan. Mashruucan ayuu ku bilaabay hayada samafalka Elman oo uu ugu magacdaray qoriga dhig qalinka qaado.

Wuxuu ahaa nin aad u caawiya dadka masaakiinta, gaar ahaan dhalinyarada kabaha caseeya ayuu siin jirsin santuuqyo ay ku jiraan qalabka ay kabaha ku caseeyaan. Dadka danyarta ahna aad ayuu u caawin jiray laakiin nasiib daro waxaa la dilay sagaalkii Maarso 1996.

Fartuun Cabdisalaan Xaaji, oo ah xaaskii uu ka geeriyooday Elman ayaa waxay ku guulaysatay toddobaadkan abaalmarinta Women of Courage oo sanad walba la bixiyo, waxaana gudoonsiiyay xaaska Madaxweyne Michelle Obama iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry. Waxay hadda agaasime ka tahay ururka Elman waxayna sii wadaa howshii uu bilaabay ninkeedii Elman Cali Ahmed.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.