BBC navigation

Afrika abid ma ka faa'idaysan doontaa macdanteeda?

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 22 Oktoobar, 2012, 05:51 GMT 08:51 SGA
Afrika

Waxaa lais waydiinayaa cidda ka faa'idaysata macdanta Afrika

In Afrika ay waligeed ka faa’iidaysan doonto kheyraadkeeda dabiiciga ah, waa su’aal muhiim ah oo iminka aad loogu baahan yahay, maadaama Bariga Afrika laga helayo macdanta dhuxusha, saliid iyo gaaska ayaa waxay u muuqataa in ay wax ka badali doonto suuqa dunida iyo – sida ay dad badan rajaynayaan – dhaqaalaha wadamadaas.

Balse malaga yaabaa sida wadamada Kenya, Tanzania, Mozambique iyo Uganda in dhab ahaantii nasiibka ay dhawaantan heleen ay u badalaan hodannimo la taaban karo oo ay ka faa’iidaystaan dadka caadiga ah?

Nigeria

Nigeria ayaa kamid ah waddamada ay shacabdku ka faa'idaysan shidaalka uu dalkaasi qaniga ku yahay

Bishan barnaamijka BBC-da ee lagu magacaabo Africa Debate “Dooda Afrika” ayaa kooxda ku howlan waxay tagi doonaan dalka Itoobiya ayagoo bal waydiinayo su’aashaas.

Siyaasiyiinta, dadka matala ganacsatada, dadka u ololeeyo xuquuqda iyo aqoonyahanada qaarada oo dhan ayaa ka qeyb qaadan doona, maadaama ay magaalada Addis Ababa ku kulansan yihiin 800 oo khubaro ah oo ka qeyb qaadanayo shirka sideedaad ee Shirweynaha Horumarinta Afrika.

“Celcelis ahaan, wadamada qaniga ku ah kheyraadka, ayaa u muuqdo kuwo ka faqiirsan wadamada aan lahayn wax kheyraad ah,” sida uu leeyahay Joseph Stiglitz, hogaamiyihii hore ee dhaqaalaha ee Bangiga Aduunka ahna professor dhaqaalaha ka dhiga jaamacada Columbia ee wadanka Maraykanka.

Macdanta Afrika

"“Celcelis ahaan, wadamada qaniga ku ah kheyraadka, ayaa u muuqdo kuwo ka faqiirsan wadamada aan lahayn wax kheyraad ah,” Joseph Stiglitz, hogaamiyihii hore ee dhaqaalaha ee Bangiga Aduunka"

Nigeria, waa dalka ugu soo saarka badan saliida qaarada Afrika, ugu yaraan $400 bilyan oo doolar oo ah qarash ka soo xarooday shidaalka ayaa la xaday ama si khaldan loo isticmaalay tan iyo markii ay xornimada qaateen sanadii 1960-kii, sida uu ku qiyaasay gudoomiye ku xigeenkii hore ee Bangiga Aduunka ee Afrika, Oby Ezekwesili. Taasoo ah 12 jibaar miisaaniyada qaranka ee dalka sanadka 2011-ka. Isla markaa, boqolkiiba 90 dadka reer Nigeria waxay ku nool yihiin wax ka yar 2 doolar maalintii.

Waxaa jiray qulqulatooyin dhanka saliida ah oo sanadkii hore u dhaxeeyay wadama Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, halka Malawi iyo Tanzania aanay wali xalin muran ka taagnaa milkiga deegaanka saliida iyo gaaska lagu sheegay ee Lake Malawi.

Sheeko kale oo taas ka duwan!!!

Ghana ayaa biloowday inay soo saarto saliid bishii Diseembar ee sanadii 2010-kii, waxaana ka jiro xeebaha Galbeedka Afrika baaritaano shidaal oo dheeraad ah. Kaliya shan dal oo ka mid ah 54-ta dal ee ay Afrika ka kooban tahay ayaanan soo saarin ama raadinba in dhulkooda ay ku jirto saliid.

Laga soo bilaabo Algeria ilaa Angola – iyo macdanta batroolka iyo maarta– kala boobka kheyraadka Afrika ayaa mararka qaar ay ka dhashaan dhibaatooyin intii ay abuuri lahaayeen barwaaqo.

Isla markaa, inta badan faa’iidooyinka laga helo kheyraadka macdan qodista ayaa waxay qaarada guud ahaan ay gacanta u galisay shirkaddo ay leeyihiin ajaanib kuwaas oo bixiyo canshuur hoosayso.

South Afrika

Macdan qodayaasha Koonfur Afrika ayaa sameeyay shaqo joojin iyagoo ka cabanayay mushaaraadka oo ku yar.

Qaar yar oo ka mid ah wadamada Afrika ayaa soo saarta macdantooda, qiimaha ayaa meelaha kale looga daraa taasoo faa’iido u ah kuwa kale.

Shirkadaha qodo kheyraadka ee ajaanibta ayaa lagu eedeeyaa inay wax yar oo shaqooyin ah ay u abuuraan dadka deegaanka ayna sidoo kale wax yar un ay ku kordhiyaan dhaqaalaha deegaanka.

Koboc dhaqaale

Wadanka macdanta dhaymanka qaniga ku ah ee Botswana ayaa lagu ammaanay inuu yahay dalka sida saxda ah howsha u qabsaday, oo wadankaa wuxuu helay koboc dhaqaale iyo daganaansho heer sare ah toboneeyadii sano ee ugu dambeesay.

Sidoo kale Botswana waxay maaraysay inay ilaashato qaar ka mid ah faa’iidooyinka ay ka heshay soo saarida macdanteeda - taasna waa midda wadamo badan oo Afrikan ah ay ku guuldareysteen.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.