Armstrong kii dayaxa tegay ayaa dhintay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Agoosto, 2012, 14:22 GMT 17:22 SGA

Madaxweyne Obama ayaa horseed ka ah tacsida laga dirayo geerida Neil Amrstrong, oo ahaa ninkii uggu horreeyay ee cagta saara dayaxa. Waxaa uu dhintay isagoo da'diisu tahay 82 jir kaddib markii wadnaha laga qalay.

Mr Obama waxaa uu ku tilmaamay Amrstrong inuu ka mid ahaa halyeeyada Maraykanka ee taariikhda oo dhan.

Ninka lagu magacaabo Buzz Aldrin oo ay wada saarnaayeen dayax-gacmeedkii Apollo 11 ee sanadkii 1969-kii dayaxa ku degay ayaa waxaa uu ku tilmaamay Amrstrong duuliye iyo taliye heer sare ah.

Qoyska Neil Amrstrong waxay ugu baaqeen dadweynaha Maraykanka inay sharfaan shaqadii tusaalaha ahayd ee waddanka uu u soo qabtay iyo guulihii uu ka soo hooyay cilmiga hawada sare.

Kahor intii uusan ku biirin barnaamijka hawada sare, Neil Armstrong waxaa uu ahaa duuliye dayuuradeed ee dagaalkii Kuuriya. Waxaa uu hawsha NASA ka fariistay 1971 si uu cilimiga injineernimada hawada sare uga dhigo Jaamacadda Cincinnati, isagoo doortay nolol deggan inuu ku noolaado.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.