Nin oday ah oo 20 sano lagu xukumay Thailand

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Novermber, 2011, 14:11 GMT 17:11 SGA
Boqorka Thailand

Nin reer Thailand ah ayaa lagu helay dambi ah in uu ku xadgudbay boqortooyada dalkaasi

Nin fariinta gaaban ee Mobilka ku caytamay ayaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah. Waxaa lagu helay dambi ah in uu ku xadgugbay boqortooyada dalka Thailand.

Ninkani oo 61 jir ah, ayaa waxaa uu fariinta gaaban ee SMSta u diray sarkaal u shaqeynayay Raisul Wasaarihii hore ee dalka Thailand Abhisit Vejjajiva.

Waxaa lagu ciqaabay qaanuunka dambiyada loo adeegsado Computerka oo la sheegay in lagu ilaaliyo sharafta boqortooyada dalkaasi.

Dadka ka soo horjeeda arintani ayaa sheegay in sharcigani la siyaasaday oo lagu caburiyo xoriyatul qowlka.

Ninkani oo lagu magacaabo Ampon Tangnoppakul ma joogin maxkamada uu ka dhacayay xukunka, oo daadadkii lixaadka lahaa ee ka dhacayay dalkaasi ayaa u suura gelin in laga soo qaado xabsigii lagu hayay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.