BBC navigation

Dhibaatada is badelka cimillada

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 Novermber, 2011, 12:56 GMT 15:56 SGA
Is badelka cimillada

Is badelka cimillada oo barakac keeni karo

Warbixintani oo laga soo saaray dalka Britain ayaa sheegtay in talaabo haatan la qaado ay baajin karto dhaqaalo tira badan oo mustaqbalka lagu bixiyo dagaalo ay sabab u noqon karaan is badelka cimillada.

Prof John Beddington oo isagu loo xilsaaray cilmi baaristani ayaa sheegay in is badelka cimillada ay aad u saamayn doonaan dadka fuqarada ah ee dunida ku nool.

Waxaa uu caalimka ku adkaysanayaa in dadka masaakiinta ah ee dunida ku nool ay soo wajihi doonto xaalad aad u adag, waxaana laga yaabaa in xilligaasi ay suura gali waydo in la soo badbaadiyo.

Warbixinta waxaa kale oo ay sheegaysaa in dadka ay ka qaxi doonaan tuulooyinka oo ay ka qixi doonaan magaalooyinka waaweyn.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.