Telefoonka gacanta iyo Qaaradda Afrika

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 Novermber, 2011, 14:30 GMT 17:30 SGA
Mobile

Telefioonka gacanta lagu qaato

Boqolkiiba 50 dadka ku nool qaarada Afrika ayaa isticmaala telefonka gacanta, Iyadoo Africa noqotay suuqa labaad dunida.

Warbixin ayaa sheegaysa qaarada africa tahay suuqa labaad dunida ee telefoonka gacanta lagu qaato ee Mobile-ka. Waxa ka horeysa keliya qaarada Asia.

Warbixinta oo ay diyaarisay shirkadda caalamiga ah adeegyadda telefoonada ee GSM waxay intaasi ku daraysaa in siyaabo kala gedisan qaarada afriika loooga isticmaalo mobile-ka.

Warbixintu waxay sheegaysa in boqolkiiba 50 dadka afrikanka ah isticmalaan telefoonada gacanta lagu qaato , balse waxay intaasi ku daraysaa in weli jirto fursad lagu sii kordhin karo tiradaasi.

Waxay sheegaysaa warbixintu in dalka Nigeria oo ah waddanka ugu dadka badan qaarada afrika ay kunool yihiin macamiisha ugu badan ee isticmaala mobilka halka dalka koonfur afrika oo ah waddanka ugu horumarsan dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha uu ku horeeyo dhinaca qiimaha jaban ee adeega mobilka.

Isticmaalka mobile-ka ee qaarada afrika waxa lagu tilmaamay in uu yahay "technolojiyad si dhaqsa ah u horumartay" oo u sahashay macamiisha in ay dhinac maraan khadadka telefoonada ee guryaha la dhigto oo ah kuwa aanan la isku haleyn kerin.

Mobilka waxaa loo arkaa aalad gacan ka geysan karto dhinaca horumarka isla markaasna loo adeegsan karo in lagu gudbiyo cabashooyinka.

Tuslaala ahaan sannadkii tagay mobilka waxa uu gacan ka geystay cabasho ka dhan ahayd sicirka cunnada oo ka dhacday dalka Muzambique halkaas oo laba jabaar dadka kunool isticmalaan telefoonka gacanta isla markaasna ay heli karaan koronto.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.