Ma jirtaa nolol ka baxsan dhulka?

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 8 Novermber, 2011, 19:05 GMT 22:05 SGA
Cili Baaris

Cilmi baarayaasha ilaa haatan ma hayaan wax muujinaayo in ay jirto astaamo muujinaayo nolol dibadda ka ah dhulka

Dowladda Maraykanka waxay jawaab ka bixisay codsi ka yimid koox la yiraahdo Boga Internetka ee Dadweynaha oo ilaa 5,000 oo qof ay saxiixeen.

Labo koox oo saxiixday ayaa labadaba ugu baaqday dowladda Maraykanka in ay soo bandhigto hadii ay wax ka ogtahay in ay jiraan waxyaaba ku nool goob aan ahayn dhulkan ay dadka ku noolyihiin.

Aqalka cad jawaabta uu qoray waxaa lagu sheegay in aysan jirin wax astaan ah oo muujinaaya in nolol dibadda ka ah dhulka ay jirto. Waxaa kale oo ay jawaabtu sheegtay in aysan jirin wax astaan ah oo sidoo kale muujinaaya in warar arrintaasi la xiriirta dadka laga qarinaayo.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.